Miyay Qoyska Glazers Ee Mulkiilayaasha Man United Shaqada Ka Caydhin Doonaan Gudoomiye Ku Xigeenkooda Ed Woodward? Go’aan Ay Gaadheen Oo La Ogaaday. 25/12/2018 Gudoomiye ku xigeenka Manchester United ee Ed Woodward ayaa noqday shaqsiga Mourinho kadib ay saxaafadu ka hadlayso haddii ay shaqadiisu amaan noqon doonto kadib in uu ku fashilmay go’aamo badan oo uu soo gaadhay intii uu kooxda maamulayay. Ed Woodward ayaa todobaadkii hore dhegta dhiiga udaray Jose Mourinho iyada oo waliba ay soo baxday qaabkii foosha xumayd ee ixtiraam darada ahayd ee uu Mourinho shaqada uga caydhiyay. Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helay qaabkii uu u dhacay go’aankii Ed Woodward uu ku erayay Mourinho. Wargayska The Sun ayaa soo bandhigay in Ed Woodward uu Mourinho si toos ah ugu sheegay in shaqada laga caydhiyay isla markaana uu 5 daqiiqo kadib shaqaalaha kooxdiisa u diray in ay soo nadiifiyaan xafiiskii Mourinho. Ilwareed ayaa sheegtay in Ed Woodward uu Mo...
Posts
Showing posts from December, 2018
RASMI: Arsenal Oo War Rasmi Ah Kasoo Saartay Dhaawaca Xiddiga Kooxdeeda Ee Henrikh Mkhitaryan & Mudada Uu Garoomada Ka Maqnaan Doono.
- Get link
- X
- Other Apps
QOSLAAYE Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa war rasmi ah kasoo saartay xaalada dhaawac ee xiddiga kooxdeeda ee Henrikh Mkhitaryan oo uu dhawaan dhaawac soo gaadhay isla markaana seegay kulankii ay dhawaan guusha ka gaadheen dhigooda Burnley. Mkhitaryan ayaa u muuqda mid aan haysan kalsoonida tababaraha cusub ee kooxda qabsaday ee Unai Emery waxaana uu xilli ciyaareedkan si aan joogto ahayn uga soo muuqanayaa safka koowaad ee kooxda. Dhaawacii Henrikh soo gaadhay kaddib kulankii Southampton ee ahaa in mid kamid ah lafaha cagtu ay jabtay ayay Gunners haatan daaha ka qaadeen inuu garoomada ka maqnaan doono mudo lix toddobaad ah. Xiddigan ree Armenia ayaa kulamada qaar si buuxda uga maqnaa safka kooxda ee uu Unai Emery xushay, Waxa uu guud ahaan soo saftay 14 kulan xilli ciyaareedkan laakiin kulamada uu 90-ka daqiiqo wada dhamaystay ayaa kaliya lix kulan ah. Mkhitaryan waxa uu mudadaas soo sameeyay afar gool iyo hal gool caawin laakiin waxa uu u muuqdaa ...