RASMI: Arsenal Oo War Rasmi Ah Kasoo Saartay Dhaawaca Xiddiga Kooxdeeda Ee Henrikh Mkhitaryan & Mudada Uu Garoomada Ka Maqnaan Doono.
QOSLAAYE Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa war rasmi ah kasoo saartay xaalada dhaawac ee xiddiga kooxdeeda ee Henrikh Mkhitaryan oo uu dhawaan dhaawac soo gaadhay isla markaana seegay kulankii ay dhawaan guusha ka gaadheen dhigooda Burnley. Mkhitaryan ayaa u muuqda mid aan haysan kalsoonida tababaraha cusub ee kooxda qabsaday ee Unai Emery waxaana uu xilli ciyaareedkan si aan joogto ahayn uga soo muuqanayaa safka koowaad ee kooxda. Dhaawacii Henrikh soo gaadhay kaddib kulankii Southampton ee ahaa in mid kamid ah lafaha cagtu ay jabtay ayay Gunners haatan daaha ka qaadeen inuu garoomada ka maqnaan doono mudo lix toddobaad ah. Xiddigan ree Armenia ayaa kulamada qaar si buuxda uga maqnaa safka kooxda ee uu Unai Emery xushay, Waxa uu guud ahaan soo saftay 14 kulan xilli ciyaareedkan laakiin kulamada uu 90-ka daqiiqo wada dhamaystay ayaa kaliya lix kulan ah. Mkhitaryan waxa uu mudadaas soo sameeyay afar gool iyo hal gool caawin laakiin waxa uu u muuqdaa ...
Comments
Post a Comment