Miyay Qoyska Glazers Ee Mulkiilayaasha Man United Shaqada Ka Caydhin Doonaan Gudoomiye Ku Xigeenkooda Ed Woodward? Go’aan Ay Gaadheen Oo La Ogaaday.
25/12/2018
Gudoomiye ku xigeenka Manchester United ee Ed Woodward ayaa noqday shaqsiga Mourinho kadib ay saxaafadu ka hadlayso haddii ay shaqadiisu amaan noqon doonto kadib in uu ku fashilmay go’aamo badan oo uu soo gaadhay intii uu kooxda maamulayay.
Ed Woodward ayaa todobaadkii hore dhegta dhiiga udaray Jose Mourinho iyada oo waliba ay soo baxday qaabkii foosha xumayd ee ixtiraam darada ahayd ee uu Mourinho shaqada uga caydhiyay. Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helay qaabkii uu u dhacay go’aankii Ed Woodward uu ku erayay Mourinho.
Wargayska The Sun ayaa soo bandhigay in Ed Woodward uu Mourinho si toos ah ugu sheegay in shaqada laga caydhiyay isla markaana uu 5 daqiiqo kadib shaqaalaha kooxdiisa u diray in ay soo nadiifiyaan xafiiskii Mourinho.
Ilwareed ayaa sheegtay in Ed Woodward uu Mourinho la qaatay kulan 44 daqiiqo qaatay balse markii uu ku wargaliyay in uu shaqada ka caydhiyay ayuu isla markaana shaqaale hoosaadkiisa u diray in ay soo nadiifiyaan xafiiskii Mourinho waxaana warkan lagu sheegay in 15 daqiiqo oo kaliya xusuustii Mourinho looga dhigay taariikh waqti hore ah.
Laakiin qoyska mulkiilayaasha Manchester United ayaa hadda go’aan ka gaadhay xaalada Ed Woodward laftiisa iyaga oo aan doonayn in isla waqtigan shaqada laga joojiyo balse uu kooxda sii wado inta waqti kale la gaadhayo. Ed Woodward ayaa shaqada Man United ka caydhiyay David Moyes, Luois Van Gaal iyo Mourinho waxayna waqtigiisii United noqotay koox aan awood lahayn.
Jamaahiirta Manchester United ayaa jeclaan lahaa in mulkiilayaasha kooxdoodu ay madaxa Ed Woodward garab dhigaan Mourinho iyaga oo horeba dareenkooda u muujiyay kadib markii ay boodh wayn diyaarad soo saaareen intii ay socotay ciyaartii Man United iyo Burnley.
Ilwareed uu helay ESPN ayaa lagu sheegay in qoyska Glazers ee mulkiilayaasha Manchester United ayna hadda shaqada ka caydhin doonin gudoomiye ku xigeenkooda Woodward isaga oo wali sii wadan doona shaqada uu ku soo rafaadsanaa ee ayna hadda jamaahiirta Red Devils ku faraxsanayn.
Warkan ayaa meesha ka saaaraya wararkii sheegayay in Ed Woodward uu booskiisa lumin doono kadib markii uu shaqada ka caydhiyay Jose Mourinho kaas oo ay waliba United qasab ku tahay in ay siiso lacag 24 milyan gini ah.

Comments

  1. Asigaa ka dambeysay in laceyriyo Jose halaga qaado gudomiyaha

    ReplyDelete
  2. Ed Woodward U marabo inuu wax u soo iibiyo manchester united waxaan qabaa in laga ceyriyo

    ReplyDelete

Post a Comment

Popular posts from this blog

RASMI: Arsenal Oo War Rasmi Ah Kasoo Saartay Dhaawaca Xiddiga Kooxdeeda Ee Henrikh Mkhitaryan & Mudada Uu Garoomada Ka Maqnaan Doono.